
Wasiirkii hore ee arimaha dibbada Soomaliya Cabdiraxmaan Bayle ayaa ku guulaystay kalsoonida shacabka gobolka Awdal in uu u matalo golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaliyeed.
Sida aan ku helayno warar rasmi ah ayaa iyaguna sheegaya, in Prof Cabdi Ismaaciil Samatar u fadhiisto kurisaga golaha Sare ee Guurtida Gobolka Awdal, oo hada lagu jiro xulkiisii.
Labdan siyaasi ayaa ah siyaasiyiin heer caalami ah, iyadda oo lagu xasuusto Dr Baryle, waxqabadkii shakhsiga ahaa ee uu ka fuliyey gobolka Awdal intii aanuu siyaasadda ku biirin iyo alaabadii siyaasada Arimaha dibadda ee ka xidhnaa ummada Soomaliyeed oo u dhamaantood furay, wakhtigii uu ahaa wasiirka Arimaha dibadda Soomaliya.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ah siyaasiga ugu ruug cadaasan gayiga Soomaaliya isaga o ay u dheertahay cilmiga caalamka ku yar ee la yidhaahdo political geography, oo ah kan hada lagu hogaamiyo caalamka, lagagana baaran dago qorshaha siyaasadeed ee dal ama dad yeelan karaan qarniyadda soo socda.
Labadan siyaasi ayaa kuraasidan ugu fadhiisanaya, si ay uga mid noqdaan hayadaha kale ee dalka hogaamin doona, sida golaha wasiiradda.