
Ayadoo dalka Shiinaha maanta uu ka furmay shirka dalalka laisku yiraahdo G20 ayaa madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama iyo madaxweynaha Turkiga Raccep Erdogan ay halkaa ku kulmeen. Obama ayaa ballan qaaday in dawladiisu ku dadaali doonto sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii soo maleegay afgambigii dhicisoobay ee dhawaantan ka dhacay Turkiga. Turkiga ayaa horay u sheegay in dadkii soo maleegay qaarkood ay kunool yihiin Mareykanka. Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada dirirta ka socota Suuriya oo ah dal daris la ah Turkiga Mareykanka iyo Turkiguna ku lug leeyihiin dirirta halkaa ka socota. Masuuliyiinta dalalka xagga dhaqaalaha iyo warshadaha ku horumaray ee caalamka ee laisku yiraahdo G20 ayaa ku shiraya dalka Shiinaha. Guud ahaan, hoggaamiyeyaasha dalalka G20 ayaa ku shirsan magaalada Hanjuu ee dalkaasi Shiinaha ayagoo ka wada hadlaaya dhaqaalaha caalamka iyo halka uu haatan marayo. Ban Ki Moon, Waa xoghayaha guud ee QM; wuxuu ka digay in dhaqaalaha caalamka ee haatan kobociisu guud ahaan yahay gaabis ay arintaasi u daran tahay dalalka soo koraya. Si kastaba ha ahaatee, QM waxay ku ammaantay Shiinaha iyo Mareykanka saxiixidii ay dhawaan saxiixeen heshiiskii PARIS ee wanaajinta cimilada caalamka