Faahfaahin ka soo baxeysa Gaari ku qarxay Muqdisho & darawalkii waday oo la qabtay – SAWIRO

Gaari ayaa ku Qarxay Nawaaxiga Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidanka amaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii Waday Gaarigaan.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa SONNA u sheegay ka hor Qaraxa in ciidanku ay qabteen Gaariga iyo Ruux waday, markii danbana Gaariga uu Qarxay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Qaraxa uu sababay dhimashada Hal Qor iyo dhaawaca Afar kale oo dhamaantood ahaa dad shacab ah, kuwaasi oo ka agdhowaa halka uu ku Qarxay Gaariga.

Ciidanka amaanka ayaa baaritaano ku wada ninka la qabtay ee waday gaariga, waxaana Saraakiisha Ammaanku sheegeen in ay heleen macluumaadka Gaariga, taasina ay sahashay wada shaqeynta Shacabka iyo Laamaha ammaanka.

14502832_1026645910781532_4359883554860189865_n14502859_1026645827448207_5404602207280902370_n14581318_1026645934114863_449305536594004329_n14591572_1026645854114871_7187013356960137687_n14606439_1026645817448208_5710115322977780374_n