FAAHFAAHIN: Khasaaraha Qaraxii Maanta ka Dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo Sheegatay

Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijyey iney ku dhinteen, afar kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii xooganaa ee duhurnimadii maanta ka dhacay Maqaayada Blue Sky oo ku dhow taaladii Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari miineysan oo la dhigay afaafka hore ee maqaayada ayaa daryankiisa si xoogan looga maqlay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah.

Waxaa goobta gaaray qaraxa ka dib gaadiidka dab demiska oo bakhtiyey dabkii ka kacay gaariga qarxay oo halkaas ku basbeelay, sidoo kale gaadiidka Ambalaaska ayaa goobtaas u kala cararayay, iyagoo goobtaas ka qaaday dadkii dhaawaca ahaa.

Ciidamada dowlada ee halkaas gaaray ayaa xiray goobta, iyagoo rasaas hawada loo ridayo ku kala ceyrinayey shacab halkaas isugu soo baxay qaraxa ka dib, waxaana la sheegay in qaraxa uu burbur xoogan u geystay maqaayada lala beegsaday iyo maqaayad ka soo horjeeda oo la yiraahdo Albaik.

Xaalada ayaa iminka degan, mana jiro war ku saabsan qaraxan oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore la fashiliyey gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo la soo dhigay maqaayada Blue Sky horteeda.