Farmaajo oo Taariikh Cusub dhigay kadib markii uu ka qeyb galay Nadaafadda Muqdisho – SAWIRO

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si weyn uga qeyb galay olalaha Bilic soo celinta Muqdisho.

Madaxweynaha oo kaashanaya qaar kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo Dhalinyarada Muqdisho ayaa la arkay isagoo wata alaabta nadaafadda isla markaana qashinka ka nadifinaya meel laami ah.

Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee sidaas sameeya, waana balan qaad uu horey usameeyay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA