C/raxmaan Farole: Xasan Sheekh hadii uusan tagin Gaalkacyo tuhumada jira waxbaa ka jira.. – VIDEO

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu soo fara geliyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, isla markaana uu yimaado, si loo soo afjaro colaada daba-dheeraatay ee ka jirta magaalada.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha keligiis aanu maareyn karin xaalada, isla markaana ay jiraan tuhumo badan iyo waxyaabo la isla dhex marayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu yimaadaa Gaalkacyo, waxyaabo badan ayaa jira oo Ra’iisul Wasaaraha maareyn karin kaligiis, waxaa jira tuhumo badan baa jira, waxyaabaha la isla dhex marayaa ee tuhumada siyaasadeed ee jira si ay meesha uga baxaan”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrinta Gaalkacyo ay tahay arrin qaran oo aan labo maamul kaliya aheyn, isagoo xusay in Gaalkacyo ay taariikh ku laheyd dagaaladii sokeeye sida uu yiri.

“Madaxweynaha hadii uusan imaan Gaalkacyo tuhumada jira ayaa waxaa loo qaadan karaa inuu wax ka jiro”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Colaada Gaalkacyo ayaa gashay todobaadkii 3aad, iyadoo labada dhinac ay wali isu adeegsanayaan hubka culus, waxaa magaalada ka barakacay illaa 50 kun oo qoys, kuwaasoo xaalado bani’aadanimo ku heysata deegaanada fog fog.