Gaari ay la socdeen Koox ciyaartoy ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

Gaari ay la socdeen Koox ciyaartoy ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

by A M | Monday, May 22, 2017 |

May 22 (Jowhar)— Warar goor dhow na soo gaaray degmada Afgooye ayaa sheegaya in caawa fiidkii la rasaaseeyay gaari ay la socdeen Koox ciyaartoy ah.

Gaarigan oo ahaa kuwa dadweynaha ayaa lagu rasaaseeyay halka lagu magacaabo Bood-boodka oo u dhaxeysa Carbiska iyo degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta uu ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.

Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaartouy magaciisa lagu soo gabaiyay Zimbaabwe, waxaana la sheegay in dhaawacyadooda ay culus yihiin

Gaariga ay la socdeen ciyaartoyda ayaa ka soo laabtay degmada Afgooye oo ay galabta u tageen ciyaar saaxibtinimo, waxaana ay ahaayeen ciyaartoy isku dhaf ah oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda Elman iyo Kooxda Bariga Dhexe.

Lama oga cida rasaaseysay, waxaana inta badan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay tahay mid habeenkii aanay ammaan aheyn, mararka qaarna ay ka dhacaan weeraro.