Galmudug oo qaadeysa howlgal Shabaab looga saarayo Deeganada Galgaduud ay ka joogaan..

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo kulan la qaatay Hay’adda kala duwan ee amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidanka Galmudug laysku dhafi doono.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aad u fara badan oo soo qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada  maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Al-Shabaab kaga saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay bilaabayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Hadalkiisa ayuu intaasi ku daray in qorshaha uu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa deeganada Gobolka Galgaduud ay ka joogaan.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.