Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo hakad ku jira iyo Boqolaal ruux oo howlgal lagu qabtay..

Ciidamada dowladda Somaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka soo gala Suuq weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Gawaarida lagu yaqaano ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa lagu jaray isgoysyada soo gala Suuqa Bakaaraha waxaana dadka loo diiday in ay galaan dukaamadooda.

Ciidanka dowladda Somaliya ayaa dadka iyo Gaadiidka inta badan ka celinaya Suuqa waxaana ay dadka u sheegayaan in aan la ogoleyn in lasoo galo Suuqa Bakaaraha.

Boqolaal Qof oo saakay u soo jarmaaday in ay furtaan goobahooda ganacsi ayaa dhooban hareeraha laga soo galo Suuqa sida ay sheegeen Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee bakaaraha.

Boqolaal ruux oo ganacsato badan ayaa la qabtay oo ciidamada ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo Baaritaano ciidamada ay ku wadaan.

Howlgalkaan ayaanan la ogeyn ujeedka laga leeyahay iyo Bartilmaameedka cida sida gaarka ah ciidamada ay u doonayaan.