Garoowe oo Looga Diyaargaroobay Ku Dhawaaqida Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya -SAWIRO

Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo loogu diyaargaroobayo magacaabida xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya u matalaya Puntland, taasi oo la filayo inuu Madaxeynaha Puntland uu ku dhawaaqo Musharixiinta Aqalka Sare 24 Saac ee soo socda, ka dibna loo gudbiyo Barlamaanka Puntland si ay u kala reebaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii la soo dhaafay wuxuu ku mashquulsanaa la tashiyo uu la lahaa Madaxweyne K/xigeenka Puntland, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo qaar ka mid ah gollaha xukuumadda, Waxaa kaloo uu la kulmay  isimadda iyo odoy dhaqameedyadda Puntland, kuwasoo dhammaantood uu kala hadlayay soo xulitaanka Xubnaha aqalka Sare.

Sida ay Wararku sheegayaan , Madaxweynaha ayaa soo xulay Liis ka koobaan 33 Xubnood oo u tartamaya Aqalka Sare, beel kasta oo hal kursi la siiyey ayuu ka soo xulayaa saddex musharax, kuwasoo la filayo loo gudbinayo Barlamaanka Puntland maalinta Beri ah oo ku beegan 5ta bishan Octoober 2016, sida uu dhigayay jadwalka doorashooyinka dadban oo ay soo saareen Guddigu 26 bishii September 2016ka.

Amaanka oo la adkeeyey

Amaanka Caasimadda Garoowe ayaa aad kor loogu qaaday 24 Saac ee la soo dhaafay iyadoo ciidamo tiro badan oo booliis ah la dhigay wadooyinka muhiimka ee magaaladda, halkaasi oo lagu baarayay baabuurta iyo dadka. Waxaana caasimadda Puntland ku sugan tiro wasiiro, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka kuwaas oo u ordaya mar kale in ay ka mid noqdaan goloyaasha Dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa kamid ah dadka sida weyn tartankoodu u muuqdo Siyaasiyiin hore, kuwo siyaasadda ku daaley oo ku jirey tan Dowladdii kacaanka, iyo haweenka oo markaan ay ka go’antahay in ay helaan cadka la siiyey ee 30%.

Waxaa kaloo Caasimadda dhowrkii maalmood ee u dambeeyay soo gaaray boqolaal ka mid ah ergooyinka beelaha dooranaya Aqalka hoose ee Barlamaanka, kuwasoo ka kala yimid  goboladda kala duwan ee Dalka, Waxaa kaloo Garoowe soo gaaray wakiilo ka socda Qaramada midoobay iyo beesha Caalamka, kuwasoo kor kala soconayaa Doorashadda Dadban ee ka dhacaysa Garoowe.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Puntland.

5i2a4781

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee heer Puntland Nabadoon Khaliif Aw-cali ayaa Horseed Media u sheegay in ilaa iyo hadda in guddiga ay soo gaareen Liisaska Ergada iyo Tartamayaasha xildhibaan  Shan beelood oo ka mid ah beelaha Puntland.

“ Bishan October 10keeda ayaa ugu dambaysa xiliga la qabanayo xubnaha Tartamayaasha iyo ergadda wax dooranaysa, waxaan filayaa  in Ergada iyo tartamayaashu  maalmaha Soo socda ay  soo dhamaystirmaan” ayuu yiri Nabadoon Khaliif.

Warar ayaa sheegaya beeluhu ay ka dhursagayaan magacaabida Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliyse, taas oo saameyn ku yeelan karta Musharixiintooda.

Sida uu dhigayo jadwalka guddiga doorashadda Federaalka, waxaa madaxda Dowladda goboleedyadda laga doonayaa inay soo gudbiyaan xubnaha aqalka Sare ugu danbeyn 5ta Bishan Octoobar 2016. waxaa kaloo  guddigu ay sheegeen in ugu dambayn 10 bisha Octoobar 2016, la soo gudbiyo liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka ama Aqalka Hoose.

23 Octoobar ilaa 10ka Nofeember ee  soo socota ayaa la filayaa inay dhacdo Doorashadda lagu dooranayo Xubnaha aqalka Hoose ee Barlamaanka. Sidoo kale doorashadda Afhayeenadda labada Aqal ayaa dhici doontaa 23 Bishan Nofeebar 2016ka, iyadoo doorashadda Madaxweynahahana ay qabsoomi doonto 30ka bisha Nofeember  ee 2016ka.