Garoowe:Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda oo Joojiyay Ergooyinka 5 Beelood – SAWIRO

Guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka ee doorashadda 2016ka ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Garoowe waxay joojiyeen Diiwaangalinta iyo in kaararka aqoonsiga la siiyo  Ergooyinka shan  Beelood oo ka mid ah Xubnaha Ergooyinka ee dooranaya Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya.

Xaaji Abuukar Cismaan Cabdi oo ah guddoomiyaha Guddiga heer Puntland iyo Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan ) iyo Xaawo Cali jaamac oo xubno ka ah  guddiga ayaa sheegay inay  soo gaartay  dacwooyin badankood lidi ku ah beelihii ay ergooyinkooda ku dhawaaqeen Shalay guddiga doorashooyinka Heer Puntland.

” Waxaanu aragnay liiska beelaha aad eergooyinkooda soo xaraynaysaan si ay u doortaan xildhibaanaddii Puntland ugu gariisan lahaa 12kii kursi ee ugu horreeyay kuraasta Aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka” Waxaa sidaas yiri Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo warbaahinta u akhriyay Go’aanka Guddiga.

Guddigu waxay u soo jeediyeen guddiga doorashadda dadban ee heer Puntland inay ay joojiyaan xaraynta iyo Diiwaangalinta Ergooyinka shanta beelood ee dacwada laga soo gudbiyay ilaa iyo inta ay go’aan kama dambays ah ka gaarayaan.

” Waxaannu guddi ahaan halkan idiin ku soo jeedinaynaa in ergooyinka beelahaas la xerayn karin, la diiwaangalin karin, kaarar loo samayn karin, lana aqoonsan karin, haba yaraatee, ilaa aad annaga (Guddiga) naga helaysaan go;aan kama dambays ah oo aannu jecel nahay in aannu gaaristiisa dedejinno, si uusan dib-u-dhac ugu imaan Jadwalkiina shaqo” ayaa sii raaciyay.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in 5ta bishan Nofeembar la qaban doono doorashadda Aqalka Sare ee Barlamaanka, islamarkaana ay bilaabayaan diwaangalinta iyo xaraynta  Ergooyinka Sideed beelood oo dooranaya 12 Xildhibaan oo Puntland u matalaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada dadban ee Soomaaliya oo ka kooban 25 xubnood waxaa magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashiid Cali Sharma’arkea bishii hore xili uu ku sugnaa magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

goaanka-guddiga-xalinta-khaliifaadka-doorashada guddiga-xalinta-khilaafaadka-1

5i2a7792 5i2a7791
5i2a7789 5i2a7788 5i2a7786