
Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Dheere) ayaa maanta oo Sabti ah gaarey magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ka hadley dagaaladii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo.
Siciid Dheere ayaa sheegay in dagaaladu ay Gaalkacyo ku soo noq-noqdeen, ayna tahay nasiib darro waxaana uu dagaalka ku tilmaamey mid garadro qaawan ah.
– Waa nasiib darro dagaalada Gaalkacyo ka dhacay, iyada oo muddo sanad ah ka nasatey, dagaalada Galbeedka Gaalkacyo ka dhacay waa gardarro qaawan, meel laga dhisaayo Maxjar oo labada dhinacba dan ugu jirto in uu heer ciidan isu beddelo ma ahayn mid Gaalkacyo laga filaayey – ayuu yiri Siciid Dheere.
Siciid Dheere ayaa sheegay in maalintii la asaasey Gaalkacyo ilaa maalintii mar kale dib loo heshiiyey uu yahay mid taariikheysan, cid cid loo qaybiyey meesha ay dhisanayeso in ay Boolis ka noqoto ma jirto ayuu yiri Siciid Dheere.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen Siciid Dheere ayaa sheegay in uu ahaa raggii fuliyey heshiiskii Gaalkacyo dib loogu degey 1993 oo ugu tyegey saddex Higlo jamhaddii SNA, waa la yaqaaney dhulka sida loo kala deganaa loo kala lahaa waa ayaan darro maanta in sidaas wax u dhacaan ayuu yiri Siciid Dheere, waa la ogaa markii heshiiska la galaayey Gaalkacyo gacanta SSDF ayey ku jirtey, walaalahaya oo wax aamni la ayaan u tegney ilaa Dhuusamareeb.
Siciid Dheere ayaa sheegay in ay dhici karto in ay meesha ka baxeen dadkii ogaa sida wax u dhaceen ioyo taariikhda oo ay soo baxeen wiilal yaryar oo moodaya hadda in la dhashey isla amrkaana muruq iyo awood is-biday.
Gen. Siciid Dheere ayaa sheegay in ay is xakameynayaan dagaal aysan dooneyn, laakiin ay isdifaacayaan. Gaalkacyo xoog laguma soo wada degin nabad ayaa lagu soo wada degay ee hala wada ilaaliyo ayuu yiri.