Golaha Wasiirada DDSI Oo Kulan Yeesha.

Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeesha.

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 15ka May, 2017. Kulan ay yesheen Golaha Kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayna kasoo qaybgaleen dhamaan golaha kaabineega DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI

Haddaba, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa golaha kaabineega DDSI soo hordhigay ajendayaal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen ka wada hadalka sidii loo hirgalin lahaa wax soo saarka beeraha ee mashaariicaha waawayn ee kala ah, mashruuca waraabka beeraha baka, goomaar, wijiwaaji iyo maraacaato, kuwaasi oo dhamaantood dhawaan uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo in xarunta gawraca xoolaha/ sariimada magaalada jigjiga laga Raro goobtii ay ahaan jirtay ee magaalada dhexdeeda ahayd lana geeyo goob ka baxsan magaalada jigjiga.

Ugu danbayna Golaha kaabineega ayaa si qoto-dheer u falanqeeyay qodobada ajendayaasha kulankan ee kor kuxusan ugana dooday falnqayn iyo dood. Dood kadibna waxay golaha kaabineegu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan.kulankan ayaana kusoo dhaamaaday meelmarinta ajandayaashaas iyo jawi fiican