Golaha shacabka ee Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2017

Golaha shacabka oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2017

by A M Sunday, Aug 6, 2017 
August 06 (Jowhar)— Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2017.

 

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dib u eegis ku sameynayay Miisaaniyadda sanadkan, iyadoo lixdii bilood u horeysay Miisaaniyadda ay dhamaatay.

Miisaaniyadda loo soo gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku qotontay dhameystirka lixda bilood ee sanadkan ka hartay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood ka keenay qodobo ka mid ah miisaaniyadda iyo qaabka lagu saleeyay, iyadoo si aan isla ekeyn Maamul Goboleedyada dalka loogu qoondeeyay bajadyo.

Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaareysa lacag dhan 260 milyan oo dollar.