
DEG DEG: Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ayidey xilka qaadista Cali Cosoble (Sawirro)
August 17 (Jowhar)—Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxa ay ku ayideen xilka qaadistii lagu sameeyay 14kii bishan Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Shirkan ayaa waxaa shir gudoominayay siihayaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa waxaa looga hadlay xaalada ay ku sugan tahay dowlad goboledka Hirshabelle iyadoo wasiirada ay soo bandhigeen waxqabadkooda.
Kulanka kadib ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cismaan Cosoble ”Cali Wardhigley” ayaa waxa uu ku sheegay in shirka uu ka soo baxay qoddobo ay ka mid yihiin:-
1)- Goluhu waxa uu ayiday go’aankii dastuuriga ahaa ee xilka loogaga qaaday Madaxweynihii hore ee Hirshabele Cali Cabdulaahi Cosoble.
2)- Goluhu waxa uu ugu baaqay dowlada federalka iyo beesha caalamka in la raaco lana taageero goaanka ay gaareen baarlamaanka 14ka bishan.
3)- Goluhu waxa uu isku raacay in loo diyaargaroobo doorashada Madaxweyaha cusub ee dowlad goboleedka hirshabeelle.
Shirkan ayaa ahaa kii labaad ee ay golaha wasiirada Hirshabeelle ay yeeshaan tan iyo markii la ansixiyay golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka hirshabelle.