Guddiga Amniga ee Doorashooyinka dalka oo Muqdisho kulan ku yeeshay – SAWIRO

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiga loo xil saaray amniga Doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Xubno katirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Kulanka waxaa ka qewb galay Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, saraakiil katirsan ciidanka Dowlada, Saraakiil kasocotay Qaramada Midoobay iyo xubno kale oo katirsan Guddiga Amniga.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Sumar Dhagey, oo isna kulan ka qeyb galay ayaa u sheegay Guddiga Amniga in ay muhiim tahay sidii doorashooyinka dalka ka dhacaya ay u noqon lahaayeen kuwa si nabad gelyo ah ku dhamaada.

Cumar Dhagey ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay qeyb ka noqdaan ka shaqeynta amniga inta ay socoto doorashooyinka, waxa uuna ka codsaday shacabka in ay gacan siiyaan lana shaqeeyaan laamaha amniga.

Goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan sida magaalada Cadaado ayaa lagu wadaa in la geeyo ciidamo katirsan AMISOM si ay qeyb uga noqdaan xaqiijinta amaanka xarumaha ay ka dhacayaan doorashooinka.