
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa markale ku Celiyay in la Xaliyo Tabashada ay qabaan Dadka ka soo jeeda Somaliland ee Cabashada ka qaba Saami qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare .
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Cumar dhageey oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku baaqay in wax laga qabto Tabashada Dadyowga Maamulka Waqooyiga Soomaaliya Degaanadooda ka soo jeeda.
Shalay ayey aheyd markii Wasiirro,Xildhibaanno iyo Salaadiin ka soo jeeda Somaliland oo Muqdisho ku shiray ay qaadaceen in ay Matalaad ku yeeshaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya