
Afhayeenka Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in liiskii uu soo magacaabay madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe aysan waxba iska bedelin, maanta oo taariikhdu ahay 18 Oktoobar 2016 ay dhagaysteen khudbadihii xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee barlamaanka Soomaaliya
Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maalinta beriya uu Barlamaanku bilaabi doono doorashadda xubnaha aqalka sare u tartamaya.islamarkaana dhammaan xubnaha sharaxan ay xaq u leeyihiin in xuquuqdooda la siiyo oo ay tartamaan
“liiskii waxba lagama bedelin, waxay ahayd xubno ku soo dara, Runtii xubnuhu xaq ayay leeyihiin in xuquudooda la siiyo, laakiin waxyaabo waxaad moodaa cadaadin iyo ka badbadis in beesha caalamku ay ku wado Somaliya, oo ay ka mid tahay gabdhaha, insha allah gabdhaha waxbaa ka tartami doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Barlamaanka Jubbaland.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in afar dumar oo kaliya ay maanta ka qaybgaleen kullankii dhagaysiga musharixiinta Aqalka sare, khudbadahoodiina ay soo jeediyeen. Wuxuuna xusay in kuraasta qaarkood ay u tartami doonaan gabdho kaliya
“ Qaar ka mid ah Kuraasta waxaa ku tartami doonaa gabdho kaliya, Qaarna rag iyo dumar, waxaan kuu cadaynayaa in jubbaland ay go’aansatay in gabdhaha sadkooda siiso, laakiin soo bixitaankooda waa sida ay barlamaanku u soo doortaan” ayuu yiri
Guddoomiyuhu wuxuu difaacay liiska Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, kaasi oo Guddiga doorashadda Dadban ee heer federaal,ay dib ugu celiyeen, iyagoo sheegay inaysan ka muuqan saamiga haweenka ee %30.
“ ma diidanin inay gabdhuhu wax helaan, intii awoodayada waa dadaalnay, Xubno haween ah inay ka soo bixi karaan ayaan kuu cadaynayaa, laakiin calafku waa halkiisa” ayuu yiri
Maamulka Jubbaland ayaa qoondo ahaan u helay aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana laga doonayo in xubnahaasi ay labo ka mid ah noqdaan haween sida uu dhigayo heshiiska madasha hoggaamiyaasha Qaran ee qoondada haweenka.
Dhinac kale, Barlamaanka Maamulka koofur galbeed ayaa maanta magaaladda Baydhabo ku dhagaystay khudbadaha musharixiinta Aqalka sare u matalaya maamulkaasi. waxaana liiska tartamaya ku jiraa tiro haween.