Guddoomiyaha Gobolka Meru Peter Munya Oo Daafacay Booqashadii Uu ku Tegey Hargeysa

Guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya ee ah gobolka laga beero qaadka loo yaqaan Miira ayaa daafacay booqashada uu ku tegey magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland isagoo sheegay in uusan farogelin qaranimada dowlada Soomaaliya.

Peter Munya guddoomiyaha gobolka Meru ayaa sheegay in uusan ka qoomanaynin booqashadii uu ku tegey Hargeysa sababta uu u booqdayna ay ahayd in uu suuq u raadiyo beeralayda Miraa oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay iibinta qaadka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Hassan ayaa eedeyn u jeediyay guddoomiyaha gobolka Meru inuu sababay cadaadis xoog leh oo la saaray dowlada taasoo sababtay in la joojiyo qaadka.

Hase yeeshee Mr Munya oo ka hadlayay meel fagaare ah ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay inuusan dhib u arkin booqashada Hargeysa.

Munye ayaa sheegay in dowlada Kenya ay xafiis qunsul ah ka furatay Hargeysa kaasoo markii dambe la xirey marka ma jirto sabab loogu doodo in la joojiyo ganacsiga qaadka.

Munye ayaa sheegay in sababta uu u booqday Hargeysa inay ahayd markii ay soo baxday warar sheegayay in dowlada Soomaaliya ay qorsheynayso in ay joojiso ganacsiga qaadka.

“Ciidanka uu leeyahay Munya ee dal farogelin karo awoodiisa dhuleed halkee buu joogaa? ayuu isweydiiyay. “Taasi waa dacaayad xoog leh mana joojin doono inaan xaqa ay leeyihiin beeralayda Miraa ee gobolka Meru aan u raadiyo, balse arrimaha kale waxa ay u taal dowlada Kenya.”ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha Meru ayaa sheegay in ay tahay mas’uuliyadiisa qaran in uu suuq ugaga raadiyo dalka Soomaaliya iyo wadamada kale balse aysan wax siyaasad ah ku lug lahayn.

Inkastoo dowlada Soomaaliya ay joojisay ganacsiga qaadka laga keeno dalka Kenya ayaa hase ahaatee waxaa weli soo galaya dalka qaad siyaabo kala duwan lagu keenayo gobolada dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu keenay qaad dooman halka magaalada Buuloburte iyo magaalada Gaalkacyo ay meenta ka degeen diyaarado wada qaad.