Guddoomiyihii Degmada Buurhakabo oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino..

Guddoomiyihii Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay Maxamed Amiin Maxamed, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo Bishii la soo dhaafay 15-keedi lagula beegsaday Degmada Buurhakabo.

Dhaawaca Guddoomiyaha geeriyooday ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagu dabiibay Isbitaalka ciidamada Amisom ee Xalane, hayeeshe waxaa la sheegay inuu geeriyooday.

Labo Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye ku-xigeenka  Ciidamada Booliska Maamulka Degmada Buurhakabo ayaa wuxuu Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Guddoomiyaha.

Waxa uu sheegay dhaawacii horay u soo gaaray Guddoomiyaha inuu u dhintay.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta Maamulkaasi ayaa si wadajir ah uga tacsiyadeeyay geerida ku timid GUddoomiyihii Degmada Buurhakaba.