
Guddoomiyaha deegaanka Gaarisa Nadiif Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadaan taageeridda carruurta qaba xanuunada gaarka ah oo ay ku jiraan cudurada wadnaha.
“Maamulkayga ayaa sii wadi doonaan in ay taageeraan carruurta leh dhibaatooyinka caafimaad islamarkaana la kordhin doona adeega caafimaadka si bulshada u helaan daryeel wanaagsan ,” ayuu yiri.
“Aragtineeda dhinaca nidaamka caafimaadka habboon isma badelin. Tani waxa caddayn u ah adeegyada daryeelka caafimaadka hagaagay oo hadda deegaanka Gaarisa sumcad weyn u ah , waxaana naga go’an in ay sii ahaato deegaanka xarunta caafimaadka loogu soo hirto ee gobolka ” ayuu hadalkiisa raaciyay.