Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii Berbera

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii ay meel mariyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ee ahaa in Imaaraadka carabta saldhig milateri ka sameystaan magaalada Berbera.

 

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid labo afle ah, isla markaana ay ka dambeeyeen saxiixiisa Mas’uuliyiin ka tirsna Somaliland iyo dowladda Federaalka, isla markaana ay iibsadeen dhulkooda.

Heshiiskan waa midi labo afle ah, mid waa musuq maasuq, shaqsiyaad Somaliland iyo dowladda Federaalka baa beecinayay dhulka la rabay oo heshiis la soo galay Imaaraadka, midna waa xadgudub qaran”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax oo la hadlayay Idaacada VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskan saldhiga milateri uu dhalay heshiiskii sanadkii hore lala galay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay Dekeda Berbera, isagoo xusay in qalad ka yimid heshiiskaas uu qeyb ka yahay qaladka hada dhacay.

“Madax sare oo ka tirsan Somaliland iyo dowladda Federaalka ayaa wax ka ogaa heshiiskii DP World, wuxuuna runtii heshiiskan dhalay kan saldhiga ciidanka Imaaraadka Carabta lala galay ee ay ka furanayaan Berbera, waana mid xadgudub ku ah danta umadda”ayuu yiri Hanti dhowrka Guud ee qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay heshiiskan ayaa sheegay in Somaliland uu faa’ido u yahay, maadaama ay ku bedelanayaan mashaariic waa weyn oo Imaaraadka Carabta ka hirgelinayo deegaanada Somaliland, sida dhismaha waddo laami ah oo isku xirta Berbera illaa Wajaale.

Si kastaba ha ahaatee ansixinta heshiiskan Imaaraadka Carabta loogu ogolaaday inay saldhig milateri ka sameystaan Berbera ayaa dhaliyay dood iyo muran weyn, iyadoo Xisbiyada mucaaradka qaarkood ay ka soo hor-jeesteen heshiiskan.