Hargeysa: Afar carruur ah oo ku geeriyootay dab qabsaday gurigooda

Afar caruur oo isku qoys ah ayaa u geeriyooday dab ka kacay gurigii ay hurdeen ,isla markaana hooyadii dhashay caruurta uu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay dabkaasi oo ay xaalad adag ugu jirto cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda Sheedaha ee degmadda Ibraahim Koodbeer ee waqooyiga Hargeysa, waxaanay ahayd wakhti habeen badh ah kuna beegan 3:20 Pm daqiiqo waxayna ahayd wakhti dadku wada hurdaan taas oo keentay in la arkay uun markii uu gurigii dambaska noqday.

Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sheegay in habsanka ciidanka Dabdamiska ka dhashay ka dib markii cidi ogaan wayday gubashadda guriga, maadaama oo xili dambe oo habeenimo oo la wada hurdo ahayd.

“wixii aanu ka qaban karaynay waanu ka qabanay, qadar alla lama baajin karin, dabkana waxa uu dhacay wakhti habeen badh ah 3:22 pm cidi noo soo sheegtay ma jirin marka sida na loogu soo sheego waxaanu usoo dhaqaaqna shan daqiiqoo mar walbana diyaar baanu ahayn marka habsa waxa keenay xidhiidh la’aantaasi”ayuu yidhi Sawaaxili.

Dhinaca kale, waxa la isku qabsaday cidda loo raacay khasaaraha nafta iyo maalkaba sababay, waxaana markiiba qoyskii caruurtu ka dhimatay dacwad u gudbiyeen maxkamadda, iyagoo dusha ka saaray dhibaatadan shirkadda Laydhka.