
Masuuliyiinta Galmudug ayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud saxaafadda ugu soo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabad sugidda ka soo furteen kooxo burcad badeed ah oo afduub u heystay.
Loise Njoki Weru ayaa muddo labo sano ah u afduubneyd koox burcad ah oo ku heysatay degaanka Cammaara ee gobolka Galgaduud.
Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Cadaado.
Haweeneydan oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in kooxda afduubka u heysatay ay ula dhaqmayeen si naxariis daro ah oo bani aadam nimadaka baxsan, aysan xitaa biyo ay cabto u diidi jireen xilliyada qaar.
“Waan nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug oo aan uga mahad celinayo sida ay iiga soo badbaadiyeen kooxihii naxariis laaweyaasha ahaa ee aan labada sano u afduubnaa” ayay tiri Loise.
Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed xaashi Cabdi ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen soo furashada gabadhan iyo lahaystayaal kale oo horey loo soo badbaadiyay, ayna sii wadayaan howlgalada noocan ah.