Haweenka Muslimiinta Rohingya oo sheegay in ciidamada Myanmar ay kufsadaan

Muslimiinta Rohingya ayaa sheegay in ciidamada Myanmar ay kufsadeen ama xoogeen daraasiin haweenka tuulada yar oo ku taalla waqooyi-galbeed ee dalka inta lagu jiray rabshadaha ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay ee lagu silciyey gobolkaasi afar sano.

Siddeed ka mid ah dumarka muslimiinta Rohingya, oo ku wada nool tuulada U Shey Kya ee gobolka Rakhine ayaa ku tilmaamay faahfaahin sida askarta toddobaadkii hore ay u weerareen islamarkaana ay bililiqeysteen guryaha iyaga oo qoriga caaradiisa ku kufsaday haweenka.

Reuters ayaa waraystay seddex ka mid ah haweenka si toos ah iyo shan ay telefoonka kula xiriireen, iyagoona la hadlay kooxaha xuquuqda aadanaha iyo madaxda bulshada.

Ciidamada miliriga ayaa lagu daad gureeyay deegaanka Maungdaw tan iyo October 9, ka dib markii koox mucaaradka ee Rohingyas oo dowladda rumaysantahay inay xiriir la leeyihiin Islaamiyiinta dibada bilaabeen weeraro dhowr oo lala eegtay ilaalada xadka.

14776366357e62f.jpg

14776366464b414.jpg

1477636663150c7.jpg