Hawsha Waddada Hobyo iyo Gaalkacyo oo meel fiican maraysa – SAWIRO

dhismaha Waddada xiriirisa Magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo Guddiga ku hawlan dhismuhu uu codsaday in lagu taageero hawshaasi.

Guddiga ku hawlan Dhismaha Waddada ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ka shaqaynayay inta u dhaxaysa deegaanada Gawaan iyo Wazil, oo hadda gabangabo maraysa, waxaana ku sii xiga 30-km uu u dhaxeysa Hobyo iyo Gawaan oo ah meesha ugu daran ee marista Gaadiidku ku dhibanyihiin.

C/qaadir Maxamed Cosoble oo ah Gudoomiyaha Gudiga Gob ee mashruucan maamulaya ayaa ka waramay sida hawsha dhismuhu u socdo, isagoo sheegay in dabeecad ahaan dhulkaasi mashruuca dhismaha waddadu ka socdo inuu yahay Bacaad, dooxooyin iyo Dhagax, waxaana bilo ka hor gaadiidka yar yar ay si dhib leh ku marayay, balse maanta waxaa ka muuqda isbedel weyn.

“waxaana ka shaqaynaya gaadiid culus, iyadoo mashruucan oo dhaqaale badan ay ku baxayaan uu u baahan yahay in laga wada qayb qaato” ayuu yiri.

Wasiirka ganacsiga Maamul-goboleedka Galmudug C/ladiif C/llahi Warsame ayaa sheegay in waddadaasi ay muhiim u tahay ganacsiga deegaanka Galmudug, iyo in shixnadaha ka soo deganaya dekadda Hobyo ay si fudud loo soo gaarsiiyo Magaalooyinka Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cusmaan Maxamed Cali Socdaal ayaa mashriican ku tilmaamay mid qiimo leh, oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan micno ugu fadhiya, sidaasi darteed ay haboontahay in la taageero si dhaqso lehna looga mira dhaliyo.wado1wado2wado3wado4wado5wado6wado7wado8wado9