Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Xafiis cusub ka furatay Jowhar

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Xafiis cusub ka furatay Jowhar

by A M Monday, Jul 31, 2017 
 

July 31 (Jowhar)— Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa xafiis cusub ka furatay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa si wada jir xariga uga jaray xarunta cusub ee Hey’adda ku yeelaneyso Jowhar.

Munaasabada xariga looga jarayay Xarunta Hey’adda Socdaalka ee Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kuwaasoo soo dhoweeyay xafiiskan cusub.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Koofi ayaa sheegay in xaruntan ay u sahli doonto dadka ku nool deegaanada maamulka inay ka helaan adeega ay uga baahan yihiin.

Agaasime Koofur ayaa ka guddoomay Madaxda Hirshabeelle dhul loogu deeqay Hey’adda Socdaalka, isagoo balan qaaday in laga dhisi doono dhowaan xarun weyn oo ay leedahay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in magaalada Jowhar laga furo xarunta Hey’adda, isagoo tilmaamay in shacabka ku nool deegaanada Hirshabeelle ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan yihiin sida baasaboorka oo ay horay ugu tagi jireen Muqdisho.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa horay xafiisyo uga furatay xarumaha dowlad goboleedyada ee ka jira dalka.