Hogaamiyaha Midawga Afrika Alpha Conde oo gogol nabadeed u fidiyay dalalka Khaliijka

Hogaamiyaha ururka Midawga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo dalalka Carbeed iyo Qadar oo khilaaf soo kala dhexgalay.

Alpha ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi ay muhiim u tahay la dagaalanka argagixisada iyo dhaqaalaha lagula dagaalamaba.

Afar dal oo Carbeed oo kala ah, Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa Qadar ku eedeeyay in ay argagixisada taageerto.

Dawladda Qadar ayaa diiday dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay.

Conde oo ah madaxweynaha dalka Guinea ayaan sheegin in uu rumaysan yahay in Qadar ay taageerto argagixisada, sida ay dalalka Khaliijku ku eedaynayaan

Wuxuu sheegay in ay tahay in dalalka Afrikaanku ay gacan ka gaystaan xalinta khilaafkan maadaama oo ay yihiin dalalka ay dhibaatada ugu badan ka soo gaartay argagixisada.