Inaalilaa Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii somalida ahaa ee Lagu Xasuuqay Awaday.

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta aas qaran  loogu sameeyay xabaalaha gidhibka ee caasimada deegaanka jigjiga   dadkii shacabka somalida ahaa ee sida axmuqnimada  ah loogu xasuuqay hawaday ee deegaanka oromada dadkaasi oo ay tiradoodu dhantahay 40 qof ayaa maanta waxa lagu aasay xabaalaha gidhibka 18 qof.

Waxaana aaskan qaran oo aan loo kala hadhin ayaa waxa  soo  qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenada DDSI, odayaal dhaqameedka deegaanka, hogaaminta diimaha kala duwan ee dalkeena itoobiya, iyo kumanaan qof oo ka mid ah qaybaheeda kala duwan  bulshada ku  dhaqan magaalada caasimada deegaanka ee jigjiga.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayntii dhamaan shacabwaynaha DDSI meelkasta oo ay joogaan  tacsiya tiiraanyo leh uga diray  shacabkii aan waxba galabsan ee sida akhmuqnimada ah looga xusuuqey magaalada hawadaay iyagoo waxaba galabsan guryahooda laga la soo baxay ee kaliya lagu dilay magaca somalinimada madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in goobta uu ka socday xasuuqu ay si deg deg ah u tageen  ciidmada qaranka iyo federaal booliska oo si muwaadinimo leh u soo bad baadiyey 300 oo qof oo  in la xasuuqo larabay kuwaas oo kudhex noola oromada madaxwaynaha ayaa sheegay in ay dadkan  lagu xasuuqey meel ay goob jog ka ahayeen qaabdhimeedka nabadgliyada maamul ka bariga harargee oromada balse waxaa jiray qaar kamid ah shacabka oromada oo dadka somalida ah guryahoda ku qariyey si aan loo xasuuqin inta kale. Madaxwaynaha ayaa sheegay in  loo bahan yahay in dadka aan waxba angalabsan ee inagu dhexnool in aan  waxba layeelin si aynaan u fulin ujeedadii uu cadawgu lahaa . madaxwaynaha ayaa sheegay in dadkeenii dhintay aanay soo noolaanayn  lakiin loo bahanyahay in aynu ka shaqaysano nabada iyo xasiloonida   ma aha geesinimo iyo sharaf in la laga aargoosto laakiin  geesinimo iyo sharaf tahay in aan la kala aargoosan madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in dadkii gaystay falkan arxan darnada ah lagaga aargoosan doono sharciga dalka ugu dambayntii waxa uu madaxwaynuhu ka warbixiyay ahmiyada iyo faa’iidooyinka ay  leedahay adkaynta nabadgalyadu islamarkaana tahay furaha horumarka ayaa ku amaanay shacabka deegaanka sida sharafnimada iyo geesinamadu ku jirto ee ay u ilaaliyeen xuquuqaha shaqsiga iyo mida qoomiyadeed.      

Dhankooda hogaamiye diimeedka kala duwan ee dalkeena ayaa si qoto dheer uga hadlay arintan foosha xun ee lagu gudaamay shacabka aan waxba galabsan iyaga oo ugu horayntii tacsi u diray  tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka somalida ee ay ka bexeen dadkan shacabka ah ee aan waxba galabsan ee lagu gumaaday magaalada hawaday iyo nawaaxigeeda waxayna tilmaameen in ay tahay xasuuq heer caalami oo aan wali lagu arag dalkeena itoobiya iyaga oo hogaamintu isku raacday in dadkii ficilkan gaystay si deg deg ah sharciga loo horkeena