Inkabadan 40 ruux oo tahriibayaal ah oo haraad ugu geeriyooday Saxaraha Niger

Inkabadan 40 ruux oo tahriibayaal ah oo haraad ugu geeriyooday Saxaraha Niger

by mahad | Thursday, Jun 1, 2017 |

 June 01 (Jowhar)—Inkabadan afartan ruux oo tahriibayaal ah ayaa oon dariis ugu geeriyooday saxaraha dalka Niger kadib markii gaari ay safrayeen ay cilad gashay.

Lix qof oo ka badbaaday oo dhammantood dumar ah ayaa gaaray tuullo deegaankaasi u dhow, waxyna sheegeen inay dhinteen 44 qof oo iyaga la socday, iyadoo dadkaasina ay carruur ku jireen.

Dadkan oo u dhashay dalalka Ghana iyo Nigeria ayaa la sheegay inay u socdeen Liibiya si ay ugu sii tallaabaan Yurub.

Markii uu gaariga ka hallaabay ayaa waxay ay ku xayirmay dhul lama degaan ah oo ku yaalla Waqooyiga dalka Niger.

Mas’uul u hadlay hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegay inuu baaritaan socdo lana baadigoobayo maydadka dadkan.

Sanadkii la soo dhaafay bishii June 34 muhaajiriin ah oo 20 ka mid ah ay carruur ahaayeen ayaa maydadkooda laga hellay saxaraha xuduudda Algeria.

Sida wasiir dowladda ka tirsan uu sheegay dadkan waxay u dhinteen oon iyo harraad ka dib markii muqalasiintii waday ay halkaasi ku daadiyeen oo ay uga tageen.