Isbitaalka ugu weyn magaalada Xalab oo Duqeyn Culus lagu garaacay

Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Ruushka iyo kuwa maamulka Bishaar Al -Asad ayaa duqeyn xoogan ku garaacay halkii isbitaal ee ka shaqeenayay qeyb ka mid ah dhinaca bari ee magaalada Xalab , halkaas ay ka dagaalamaan kooxaha mucaaradka Siiriya.

Shaqaalaha Gar gaarka ayaa sheegay in Isbitaalka oo ahaa midka kaliya ee shaqeenayay lagu dhuftay labo bambaano uuna soo gaaray qasaaro xoogan, waxaana xiliga la duqeenayay isbitaalka lagu daweenayay dad tiro yar oo dhaawacyo qabay.

Afhayeen u hadlay ururka caafimaadka ee SAMS ayaa sheegay in isbitaalka M-10 ee magaalada Xalab lagu dhuftay laba bambaano, waxa uuna tilmaamay in isbitaalka uu bur bur xoogan uu kasoo gaaray duqeyntasai ay geesteen Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Dowlada Bishaar.

Duqeynta lala beegsaday Isbitaalkan ku yaala bariga magaalada Xalab ayaa noqonaya tii labaad oo mudo kooban gudaheeda lala beegsado isbitaalkaasi, waxaana sii adkaanaya xaalada nololeed ee ka jirta magaalada Xalab ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo culus.