Iska hor imaad Ciidamada Xasilinta iyo Ciidamo Milateri ku dhex maray degmada Kaaraan

Iska hor imaad Ciidamada Xasilinta iyo Ciidamo Milateri ku dhex maray degmada Kaaraan

by A M | Friday, Jun 9, 2017 |

June 09 (Jowhar)— Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay degmada Kaaraan, kaddib markii ciidamada Xasilinta ay howl gal hub ka dhigis ka bilaabeen degmadaas, iyadoo iska caabin ay kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo ciidamo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la maqlayay rasaas ka dhaceysay qoriga dhashiikaha ee saaran baabuurta loo yaqaano cabdi bilaha.

Goob joogayaal ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada, halkaasoo ay ka socotay raashin qeybin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ku dhintay Guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Kaaraan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Jiis, sidoo kale waxaa la sheegayaa in khasaare uu soo gaaray ciidamadii xasilinta ahaa.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana ciidamadii xasilinta ee howl galka ku qaaday degmada Kaaraan u yimid ciidamo kale oo gurmad ah.

Inkastoo aanay ku guuleysan inay wax hub ah gacanta ku dhigana, hadana ciidankii Milateriga iyo kuwa deegaanka ayaa goobt isaga cararay.

Waa howl galkii u horeeyay ee ka dhaca degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho, tan iyo markii ciidamada Xasilinta ay bilaabeen howl galada sugida amniga iyo hub ka dhigista.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe