(August 16, 2016) Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Suuqa Ansalooti ee Degmada Xamar-Jajab ee Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhintay iska horimaad u dhaxeeyay Xoogaga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan oo ka dhacay Suuqa Ansalooti ee Degmada Xamar-Jajab ayaa waxuu yimid kadib markii Ciidamada Dowadda ay ku baxeen rag hubeysnaa oo dhac ka waday halkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in iska horimaadkaasi ay ku geeriyoodeen labo Ruux oo shacab ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa halka lagu diriray.

Waxaa Saraakiishan ay sidoo kale qeexeen in Xoogaga Booliska ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah Raggii ku labisnaa dareeska Ciidamada, islamarkaana dhaca ka waday Degmada Xamar Jajab.

Xaalada ayaa deggan, waxaan Ciidamada ay wadaan howlgallo baritaano ah oo ku aadan hadii ay jiraan kuwa kale oo ku dhuumaaleysanaya Xaafadaha Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.