
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey jasiirada Sicily dalka Talyaaniga gaareen kumanaan Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyey bada u dhaxeysa Liibiya iyo Italy.
Sabtidii lasoo dhaafay ayaa bada laga soo saaray tahriibayaal gaaraya 2 kun kuwaasi oo la socday doonyo ka yimid Liibiya, waxaana Axadii shalay Jasiirada Sicily gaaray in ka badan 800 qof oo ay la degeen doonyihii ay la socdeen, waxaa sidoo kale dalkaasi la geeyey 10 meyd oo kamid ah dadkii bada ku dhintay.
Tirada dadka muhaajiriinta ah ee bada ku dhintay sanadkan ayaa gaaraya in ka badan 4kun oo qof.
Midowga Yurub ayaa hada ka fekeraya siduu uga hortagi lahaa qaxootiga badan ee ka imaanaya dhinaca Afrika, iyadoo qaar kamid ah Xisbiyada wadamada Midowga Yurub qaarkood ay doonayaan in EU-da ay qaataan nidaam lamid ah kan dalka Australia oo isagu bada ka celiya dadka qaxootiga ah.