
Jilaagii caanka ku ahaa ahaa heesaha Banaadiriga C/salaan Yuusuf oo ku magac dheeraa C/salaan Jiimi ayaa si kedis ah u geeriyooday, kadib markii la sheegay inuu kusoo booday xanuunka dhiig karka oo sababay inuu madaxa dhiig ugu furmo.
C/salaan Jiimi oo u dhaxday fannaanada iyadana heesaha Banaadiriga caanka ku aheyd ee Jidda Sheekh Bashiir oo iyada u dacwooneysay C/salaan Jiimi.
Ruwaayadaha uu dhigay jilaaga C/salaan Jiimi ee lagu xusuusta waxaa ka mid ahaa Damac Adduun, Sed la leh sariglaay, Ibna’aadan iswaayay arrinaa kala geysyo iyo kuwo kale oo fara.
Marxuum C/salaan Jiimi ayaa ka mid ahaa fanaaniinta xilligii burburka aan dalka meelna ugu bixin, wuxuuna daganaa xaafadda Via Liberia ee degamada Waaberi, oo ay ku wada noolaayeen qoyskiisa.