JUBBA AIRWAYS OO PUNTLAND KA BILWDAY DULIMAADYO CUSUB

JUBBA AIRWAYS OO PUNTLAND KA BILWDAY DULIMAADYO CUSUB

Bosaso(Puntland Post):-Dulimadkan ay bilawaday Shirkada Jubba airways ayaa ah mid ay dadku baahi wayn u qabeen iskuna xiri doona Dubai ,Bosaso,Moqdisho iyo Nairobi waxan Gaaroonka Diradaha Bosaso maanta soo gaartay Diyaaradii ugu horaysay oo isku xiraysa  Bosaso,Dubai iyo Muqdisho,Nairobi.

Duulimaadayda ayaa ah kuwo  ay bulsahdu mudo baahi u qabeen waxaana ay Bosaso maanta ka qaaday Rakaabkii ugu horeeyay ee ay u qaado Dubai horayna uga soo kacday magaalada Muqudisho ee Caasimada dalka .

Siciid Xasan Maxmed Jeesaan oo ah Maamulaha Guud ee Jubba airways ee Puntland ayaa bulshada ugu bushareyey in ay Bosaso ka bilabeen duulimaad cusub  bulshadana ay uga faa’iidaynayaan.

shirkada Jubba airways markay aragtay baahiyo baddan oo ka imaanaya Bulshada Puntland gaar ahaan kuwa Bosaso waxaan go’aan ku gaarnay inaan bilowno duulimaadyo cusub oo isku xiridoona maagaaloyinka Dubai,Muqdisho Nairobi iyo Bosaso, maantana waxaanu si rasmi ah u bilownay dulimaadkii koowaad ee Bosaso Dubai waxaan u shegaynaa bulshada Puntland in ay ka faaiidaystaan fursada ay u keentay sharikada Duulimaadyada ee Jubba airways ”Sidaa waxaa  yiri Maamulaha sharikada Jubba airways ee Puntland.

Mareeyaha Garoonka dirayaradaha Bosaso Bashiir Muuse Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa masulyitiin ka hadalay daah durfurka duulimadka Cusub ayaa waxaa uu sheegay in talaabadani tahay mid garoonka usoo
Kordhinaysa horumar balaadhan.

Tan iyo markii xariga laga jaray Garoonka diradaha Bosaso ee Bender Qaasim waxaa socday horumaro kala duwan waxaana marba marka ka dambaysa Garoonku samaynayey hormaro baaxadle  waxaana ay bulshadu  ka siibaxaysaa baahidii duulimaad ee ay u aadi jireen Gobolada kale.

Dhanka amniga ee garoonka ayaa ah mid si wayn loo adkeeyey  waxana  bulshada isticmaasha garoonka diyaaradaha ee Bosaso ay ciidamadu ku amraan In ay maraan baaritaano kala duwan marka ay ka dhoofayaa kana soo degeyaan baaritaanadaas oo lagu xaqiijinayo amaanka.

Juba airways oo mudo kabadan 10 sano  ka hawal galasay  deeganada Puntland ayaa duulimaadkani  waxaa uu noqon doonaa mid ay bulshadu si wayn uga faa’iidaysan donanaan.

_dsc0317_dsc0383

_dsc0397_dsc0395_dsc0385_dsc0390_dsc0318_dsc0312_dsc0383_dsc01842016315635936117726494048img-20160312-wa0018