Kala qaybsanaan soo kala dhexgashay Guddiga Doorashada Kenya

Xiisadda ka dhex aloosan guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sii xoogaysatay ka dib markii ay dibadda u soo baxday warqad la sheegay inuu qoray guddoomiyaha Guddiga doorashada oo muujinaysa khaladaadkii ka dhacay doorashadii madaxtinnimada ee la laalay.

Khaladaadkaa dhacay waxa ka mid ahaa in teleefanno satellite-ka (dayaxgacmeed) ku xidhan oo la soo siiyey lacag dhan 848 milayn oo Shilinka Kenya ah una dhiganta ku dhawaad 8.2 milyan oo doolar oo loogu talo galay in lagu soo tabiyo natiijada doorashada ee goobaha codayntu aanay shaqaynin ba.

Warqaddan oo ahayd mid ay ku qornaayeen hadallo adag oo canaan ahi, ayaa waxa qoray gudoomiyaha gudida doorashooyinka, Wafula Chebukati, oo u diray agaasimaha fulinta ee gudida, Ezra Chiloba, oo uu ku canaantay 12 qodob oo walaac ku dhaliyey.

Hase yeeshee Chiloba oo ah ninka loo qoray warqaddan wax jawaab ahi weli kama soo bixin, balse waxaa iyaguna warqadaa iyo waxa ku qoranba ganafka ku dhuftay oo beeniyey qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada.

Chebukati waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyey sababaha ay u shaqayn waayeen mishiinnadii elektaroonik-ga ahaa ee loogu talo galay in lagu codeeyo oo aan buuxinin “shuruudihii ilaalinta xogta shakhsiga”.

Goobaha tirinta codadka qaarkood ayaa mucaaradku ku doodeen in ay ka suurto gashay in natiijo been abuur ah laga diro.

Musharaxii mucaaradka ee madaxtinimada, Raila Odinga, ayaa horaantii todobaadkan sheegay in aanu ka qayb gali doonin doorashada labaad ee la asteeyey in ay dhacdo 17 Oktoobar, hadii aan shaqaalaha gudida doorashooyinka qaarkood la bedelin. Waxaanu gudida doorashada ku eedeeyey in ay isaga ka xaglinayso.

Hase ahaatee wuxu maanta sheegay in uu diyaar u yahay inuu ka qayb galo doorashada cusub balse uu marka hore doonayo in ergo ka socota isbahaysiga mucaaradka iyo xisbiga talada dalka haya kulan wada tashi ah oo wada jir ah la yeeshaan gudida doorashada.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa xisbiga Jubilee ayaa isna sheegay in dhawaan saraakiisha gudida doorashooyinka qaarkood la ogaaday in ay “dhan yihiin”

Todobaadkii hore ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya ku sheegtay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 8 Ogost mid aan ansixin oo waxba kama jiraan ah maadaama ay jireen ” khaladaad badan oo sharciga baal marsani”

Sidaa awgeedna madaxweyne Uhuru Kenyatta aanu xaq u lahayn inuu guushii ka soo baxday codbixintaa ku hogaamiyo dalka, iyo in uu tartan labaad la galo hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ayaan isla markiiba soo bandhigin xukunka ay gaadheen oo qoraal ah oo faahfaahsan, hase yeeshee waxay qoraalkaa oo dhamaystiran ku soo saarayaan muddo laba todobaad ah.

Laakiin warqadda sirta ah ee ka soo baxday gudida doorashooyinka ee muujinaysay in ay wax badani ka khaldameen ayuu mucaaradku u fasirtay in si toos ah ugu marag furaysa eedaymaha ay gudida ka tirsanayeen ee ay Maxkamadda Sare u gudbiyeen.