Keating oo ugu baaqay maamulada in 10 maalmood ku dhameeyaan doorashada Aqalka Hoose

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ugu baaqay Maamul goboleedyada inay dar dar geliyaan doorashada Aqalka Hoose ee ka socota deegaanada, isagoo soo dhoweeyay habsami u socodka ay u socdaan howlaha doorashooyinka.

Danjire Keating wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo, kaddib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay in la soo dhameystiro Xildhibaanada ka haray Aqalka Hoose ee Koofur Galbeed.

“Qaramada Midoobey waxay diyaar u tahay inay fududeyso doorashada Aqalka Hoose, illaa iyo hada 26 kursi ayaa lagu doortay Baydhabo, waxaa dhiman kuwo kale, waxaa Mas’uuliyiinta u sheegtay inay dar dar geliyaan, si howlaha doorashooyinka loo dhameystiro”ayuu yiri Micheal Keating.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle inay muddo 10-maalin gudahood ku dhameeyaan doorashada Aqalka Hoose.

Maamul goboleedyada qaar ayaa waxaa u dhiman doorashada kuraas badan oo ka tirsan Aqalka Hoose, taasoo keeni karta in dib u dhac ku yimaado doorashadii Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

23-ka bishan ayaa ku beegan waqtigii loo qabtay inay ku dhacaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka, waxaana muuqata in mudada ka dhiman in aan lagu qaban karin howlaha dhiman.

Doorashada Madaxweynaha ayaa ku beegan 30-ka bishan, waxaana iyana u muuqataa inay dib u dhac ku imaan karto waqtigii loo qabtay, iyadoo wali aan la qaban doorashooyinkii Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee deegaanada Gobolada Waqooyi.