Kenya oo lacag dul dhigtay Madaxa Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabo Ramadan Kioko..

Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay inay lacag fara badan dul dhigtay Madaxa Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, kaasi oo Kenya ay u aragto inuu qatar ku yahay ammaanka dalkaasi.

Booliska Kenya ayaa shaaciyay magaca Sarkaalkaasi oo ay ku sheegeen Ramadan Kioko, waxaana Booliska ay aaminsan yihiin inuu yahay ninka ka dambeeya weerarada ka dhaca Lamu.

Lacagta Booliska ay dul dhigeen Madaxa Sarkaalkaan ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa cadadkeeda lagu sheegay Labo Million oo Shilinka Kenya.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay ninkaan inuu yahay mid Qatar ku ah ammaanka Kenya, sidaasi awgeedna cidii haysa macluumaadkiisa ay soo gaarsiiyaan Booliska si loo soo qabto.

Weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya ayaa inta badan waxaa fuliya Ururka Shabaab oo Somaliya ka dhisan, balse farac ku leh dalka Kenya.

Faraca Shabaab ee Kenya ayaa waxa ay Saldhigyo ciidan ku leeyihiin Kaymaha Boni.