
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay waqtiga ay qabanayaan Doorashada Musharaxiinta maamulkaasi u matalaya Aqalka sare ee Somaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Maalmaha Arbacada iyo khamiista ee Berri iyo Saadambe in ay doorashada xubnaha aqalka sare ka dhaceyso Magaalada Baydhaba oo hadda xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koofur Galbeed.
Hadalkiisa wuxuu intaasi raaciyay 23-ka Bishan inay bilaabanayso Doorashada Xubnaha u matalaya Aqalka hoose, islamarkaana ay diyaar yihiin Ergooyinka 51-da ah ee doorashada galaya.
Puntland iyo Jubbaland ayaanan weli si rasmi ah u shaacin xilliga rasmiga ah ee doorashada ay dhaceyso ee Aqalka Sare.