Kooxo Hubeysan oo Maanta Muqdisho ku dhaawacay Xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada

Koox hubeysan oo watay gaari ayaa maanta degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ku dhaawacay xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Col. Cabdullaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge).

Dableyda ayaa weerarka ku dilay darawalkii xeer-ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidanka Qalabka Sida ee Somalia iyadoo Weerarkan uu ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Booliiska degmada Wardhiigley. Saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa sheegay in baaritaan ku wadaan qaabka uu weerarka u dhacay.

Inkastoo aysan jirin cid loo qabtay weerarkan xeer-ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada lagu dhaawacay. Dhanka kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa horay xukunno isugu jira Dil Toogasho iyo Xabsi ku ridday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidammo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya oo dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyntii, Ma jirto cid sheegatay Weerarkan, balse weerarrada noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa intooda badan sheegata Al-shabaab oo Dagaallo kula jirta Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM –