Kulanka Bratislava EU: madaxa Golaha Yurub oo sheegay in laga digtoonaado dhibaatooyinka cusub..

Madaxweynaha Golaha Yurub Donald Tusk ayaa madaxda EU ugu baaqay in ay ka fiirsadaan “oo si daacad ah” ula dhaqmaan dhibaatooyinka gobolka, ka dib markii si lama filaan ah Britain ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub.

Hogaamiyayaasha oo isugu imaanaya kulan ka dhici doona Bratislava oo markii ugu horeesay eey ka maqnaan doonto UK, ayaa ka wada hadli doonaan siyaabo ay dib ugu soo celinayaan kalsoonida Midowga Yurub.

Kulanka ma ahaan doono mid looga wadahadlayo ka bixida Britain, laakiin waxaa lagu eegi doonaa mustaqbalka gobolka ee 27.

Saraakiisha ayaa sheegaya in Mr Tusk u arka socdaalka arrinta ugu muhiimsan si wax looga qabto.

Inkastoo natiijada aftida Britain eey ajandaha, ku jirin islamarkaana Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ay kaso qeyb galeenin shirwaynaha, waxaa shaki ku jirin in Brexit uu ka marnaan doonin kulanka.