Kumanaan Soomaali ah oo dibed-bax ka dhan ah dowlada Norwey ka dhigay magaalada Oslo ee Norwey – SAWIRO

Dad Soomaali ah oo tiradooda lagu qiyaasay illaa saddex kun oo ruux ayaa dibed-bax ballaaran ka dhigay wadooyinka magaalada Oslo ee dalka Norwey.

Dibed-baxan ayaa waxaa looga soo horjeeday go’aan dhowaan ka soo baxay dowlada Norwey oo sheegayay in dib u eegis lagu sameynayo sharciyada degenaanshaha dalkaas ee horey loo siiyey dad gaaraya 1,600 oo Soomaali ah.

Cimilada magaalada Oslo ayaa aheyd mid aad u qabow oo baraf iyo dabeylo xooggana ay dhacayeen, balse ka qeybgalayaasha ayaan arrimahaas u joojinin mudaaharaadka ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan go’aanka dowlada ee ka dhanka ah Soomaalida magangelyada ku jooga dalka Norwey.

Soomaalida ka sokow waxaa ka qeyb galayey banaanbaxaas ajaaniib kale iyo dad Norwejiyan oo dareen naxariis leh iyo taageero u muujinayey Soomaalida.

Qaar ka mid ah dadka dibed-baxa ka qeyb galayey ayaa sidoo kale ka kala yimid magaalooyin ay ka mid yihiin Kristiansand, Lillehamar, Hamar, Gjøvik, Elverum, Moss, Halden, Fredrikstad, Oslo iyo magaalooyin kale oo badan.

Siyaasi caan ah oo ka tirsan xisbiga Centre Party laguna magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Nageeye ayaa ugu baaqay Soomaalida ku nool wadanka Norway inay noqdaan qowmiyad isku xiran oo dhibaato walba oo soo wajahdo meel uga soo wada jeesta.

Dadka khudbadaha ka jeediyey mudaaharaadka ayaa isla qirey in go’aanka dowlada ee ku saabsan dib u eegista sharciyada magangalyada dadka Soomaaliyeed uu yahay mid aan sax aheyn, waxeyna intaa ku dareen in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan hadda aheyn mid sidii la doonayey u degan.

Waxay sheegeen in dowlada Norway ay uga digtay muwaadiniinteeda iney u safraan Soomaaliya taasna ay muujineyso in Soomaaliya aysan nabad la isku haleyn karo ka jirin, waxayna ka codsadeen in dowlada Norwey ay dib uga laabato go’aankaas.

Soomaalida ku nool wadanka Norwey ayaa ka walaacsan go’aanka dowlada wadankaas ay ku dooneyso iney sharciga degenaanshaha kala noqoto Soomaali ku dhow labo kun oo dalkaas ku noolaa muddo dheer, iyagoo ku andacoonaya in Soomaaliya ay ka jirto nabad lagu noolaan karo.