Kuweyt oo 80 milyan oo Doollar amaahinaysa Jabuuti.

Sanduuqa Horumarinta Dalka Kuweyt ayaa  u fidayay Dowladda   Jabuuti amaah Lacageed oo dhan 80 milyan oo Doollar-ka Maraykanka ah.

Heshiiskaas ay Labada Dowladood Qalinka ku duugeen waxaa dhinaca Jabuuti amaahdaasi lacageed u saxiixay Wasiirka dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse, halka Sanduuqa Kuweyt ee Horumarinta dhaqaalaha Carabta uu isna u saxiixay  Hisham Ibrahim Al-waqiyaan oo ah ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Sanduuqaasi.

Lacagtaasi ahaamda ah ayaa waxaa loogu tala galay  dhismaha Jidka Tajura ilaa Jidka kale ee Balxo oo loogu Magacdaray Sheekh Sabaah Al-Axmed, dherarkiisuna uu gaarayo 112 km.

Waxaa kaloo lagu fulinayaa Lagactaasi ahaamhda ah, horumarinta dhaqaalaha Jabuuti iyo arrimaha Bulshada ee degaanada dhaca Waqooyiga Dalkaasi Jabuuti iyo Mashriic kale.

Sida laga warqabo Sanduuqa horumarinta Kuweyt ayaa Sanadkii 2010-kii waxa uu u fiday Dowladda Jabuuti amaah Lacageed oo gaaraysay 28 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, halka Sanadkii 2013-kiina uu siiyay amaah kale oo dhameyd 52.2 Milyan oo Dollar.