Lamaane Is Qabay 69 Sanadood Oo Geeriyooday Iyaga Oo Gacanta Is Haysta

Lamaane 69 sano is qabay oo ku sugnaa gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ayaa isku saacad geeriyooday sida ay qoyskoodu u sheegeen warbaahinta Maraykanka.

Isaac Vatkin, oo 91 jir ah ayaa gacanta hayay xaaskiisa Teresa oo 89 jir ah markii ay u geeriyoonaysay cudurka asaasaqa, sida uu daabacay Daily Herald.

Isaac ayaa isna geeriyooday afartan daqiiqo ka dib, xubno ka mid ah qoyskuna waxay sheegeen in ay niyadda isu dhisayeen.

“Jacaylkii ay isu hayeen wuxuu ahaa mid xoog badan, midkoodnana ma noolaan karin midka kale la’aantii,” ayay tiri gabadhooda Clara Gesklin oo ka hadashay aas wadajir loogu sameeyay.\

Shaqaalaha Isbitaalka Highland

Park Hospital ayaa arkay in aysan neefti gabaabsi ku tahay waxayna go’aansadeen in ay sariiraha isu agdhigaan.

Xubnaha qoyska ayaa gacmahooda isu aadiyay markaas ayayna istaabteen.

Lamaanahan ayaa saddex ilmood dhalay xiriir dhaw ayayna la lahaayeen carruurta ay awawga iyo ayayda u yihiin.