Maamulka Baarlamaanka Federaalka oo shaaciyay xilliga la dhaarinayo Xildhibaanada cusub

Maamulka Baarlamaanka Federaalka oo shaaciyay xilliga la dhaarinayo Xildhibaanada cusub

by A M | Saturday, Dec 24, 2016 | 4667 views

December 24 (Jowhar)— Maamulka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa caawa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabada furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Labada Aqal.

Xoghayaha Guud ee Maamulka Baarlamaanka Federaalka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa sheegay in maalinta talaadada ee taariikhdu tahay 27-ka December ay dhaceyso munaasabada furitaanka kalfadhiga 1aad iyo dhaarinta Xildhibaanada.

“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19-ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada cusub inay horay u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga, si ay ugu fududaato ka qeyb galka munaasabada.

15-kii bishan ayaa waxaa dib u dhac ku yimid mudadii horay loo asteeyay in la dhaariyo Xildhibaanada, sidoo kale waxaa iyana baaqday doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo iyana ku beegneyd 22-ka bishan

Hase ahaatee waxaa jirta shaki laga qabo in mudada cusub ee uu shaaciyay Maamulka Baarlamaanka Federaalka waqtigiisa dhamaaday inay ku qabsoomi weyso munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee labada Aqal, waxaa wali taagan qodobo aan xal laga gaarin oo sabab u ahaa dib u dhacyada ku yimid doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa wali isku afgaran qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay arrinta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, waxaana shirka Madasha oo maalmahan hakad ku jiray lagu wadaa in maalinta berri dib loo ambaqaado.

kalfadhiga kalfadhiga5