
Tababar ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha dawlad goboleedka Galmudug,isla markaana ay ka qeybgaleen 100-Ruux oo ka kala socda hawlwadeenada wasaaradda iyo shaqaalaha maamulada degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Hobyo, C/waaq, Balanballe iyo Xeraale ayaa ka furmay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaasi.
Tababarkaan oo socon doona muddo 3-maalmood ah ayaa waxaa lagu baranayaa maamul wanaagga iyo hogaaminta fiican, iyadoo furitaankiisa ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulada degmooyinka ,kan gobolka Mudug iyo madaxda sare ee Galmudug.
Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo aqoon iswaydaarsigan furay ayaa ka qaygalayaasha kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan islamarkaana ay ku dabbaqaan hawl maalmeedkooda shaqo.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in aqoon iswaydaarsigan looga gol leeyahay in sare loogu qaado xirfadda shaqaalaha wasaaradda iyo hawlwadeenada maamulada degmooyinka.