Maamulka Hargeysa Oo Guriga Ugu Dhacay Xabsigana Dhigtay Shiikh Aadan Sunne (Video)

Taliska Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Hargaysa waxay ka hadleen howlgal xalay ay ku soo qabteen Sheekh lagu magacaabo Aadan Cabdi Warsame (Sheekh Sunne)  iyo dad kale oo ay sheegeen inay amaanka qaranka Somaliland liddi ku ahaayeen.

Boolisku waxay sheegeen in sheekhu uu khatar ku ahaa qaranimada maamulka Hargeysa, khalkhal galin amnina uu ka waday magaaladda Hargaysa . waxay sheegeen in shiikhu uu been ka sheegay howlgalo boolisku ku soo qabqabteen dhalinyaro tabarbar iyo dabrid ku sameeyeen bannaanka Magaaladda Hargaysa. dhalinyaraasi oo doonayay inay fuliyaan howlgalo amniga lagu khalkhal galinayo.

Ciidamada Boolisku waxay xoog ku galeen guriga sheekh Aadan Sunne, waxaase difaac kala horyimid dhalinyaro gadoodsan  oo difaacayay sheekh, waxaana halkaasi ka dhacay rasaas ay ridayeen ciidamadda Booliska

Sheekha la xiray ayaa maalintii ciida garoonka ciyaaraha  ee Magaaladda Hargayska wuxuu ka hadlay 7 dhalinyaro oo Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee RRU ay xabsiga dhigeen, kuwasoo lagu eedeeyay inay ururka Al-shabaab taageeraan, wuxuuna sheekhu sheegay  in cadaalad darro lagu xiray dhalinyaradaasi, isagoo taageero u muujiyay Dhalinyaraasi.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Booliska

Horseed Media 2017