Maamulka Shariif Xasan oo Go’aan ka Qaatay xiisadda Sacuudiga iyo Qadar

Maamulka Shariif Xasan oo Go’aan ka Qaatay xiisadda Sacuudiga iyo Qadar

Muqdisho (Kalshaale) War Saxaafadeed ku qornaa Luuqa English-ka oo ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu muujiyay taageerada Koonfur Galbeed ee ku aadan go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraada ku saareen Dowladda Qadar.

Warka ka soo baxay Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay go’aankii Dowladda Somaliya ay qaadatay 6-dii Bishii June ee ay ku muujisay Dowladda inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka khaliijka inuusan aheyn mid ku yimid wadatashi lala sameeyay Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin dalal xiriir wanaagsan oo soo jireen la leh Somaliya, ayna taageerayaan mowqifka ay qaateen.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go’aankii ay qaateen Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar.” Ayaa lagu yiri Warka.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Axmed oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inuu sax yahay warka ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayna taagerayaan Dowladaha Khaliijka go’aankii ay qaateen.