
Macalimiin laga soo afduubtay xerada qaxootiga Dhadhaab oo lala soo aaday Somalia
March 2 (Jowhar)— Labo Macalin Kenyan ah ayaa laga soo afduubtay xertada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo loo maleynayo in lala aaday Soomaaliya.
Macalimiintan ayaa wax ka dhigayay iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaala xerada qaxootiga Xagardheer, waxaana xalay saqdii dhexe laga kaxeystay guri ay degenaayeen.
Xiriiriyaha arrimaha Amniga ee Gobolka waqooyi bari Maxamuud saalax ayaa sheegay in labada macalin ay afduubteen dabley hubeysan.
Ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ayaa bilaabay baadigoob ay ugu jiraan labadan macalimiin oo hada loo maleynayo in lagala tallaabay xuduuda.
Lama oga illaa iyo hada kooxda afduubtay, waxaase jira tuhun ah in afduubkan ka dambeysay Al-Shabaab, inkastoo aysan dhacdadan ka hadlin.
Afduubkan ka dhacay xerada qaxootiga Dhadhaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Kenya dooneyso inay xirto xeryaha qaxootiga, maadaama ay ku doodeyso in amni daro ay ka jirto xeryaha qaxootiga.